Sinnaantii Dhagta Dhiiga Loo Daray – Simiddii Ragga iyo Dumarka ee uu Dhiigu ku daatay.
![]() |
Abdi Aziz Adan Urur |
(Muqdisho) - Marka aad tahay qof Muslim ah misna kasoo jeeda dal 100%
Muslim ah oo ay kuu dheer tahay kusoo barbaaridda diinta Islaamka, waa
macquul inay kuugu adkaato aqrinta iyo dhagaysiga taariikh meel looga
dhacay diinteenna xaniifka ah haddana laguu raacsiinayo waa sababti ka
dambaysay geeridii Maandeeq iyo Muqdisho.
Sanadkii 1975, QM ama
United Nations-ka ayaa soo saaray baaq ay ku magacawday: International
Woman’s Year – Sanadka Caalamiga ee Haweenka Adduunka.
Hayeeshe sanadkaas
Soomaliya uma uusan ahayn sanad wanaagsan waxaana si indho la’aan ah loo soo
dheegtay xeerar ka dhan ah Diinta Islaamka iyo waliba dhaqanka qaaliga ah ee
Somaalida sida qodob sheegayay in wiilka iyo gabadhu ay u siman yihiin
dhaxalka.
Seddex qodob oo
caadiyan marka afka laga sheego aad u qurux badan ayaa la soo
saaray:
1. Sinnaan ‘Equality’
2. Horumarin
‘Development’
3. Nabad ‘Peace’
Guddi ayaa la
magacaabay oo la oran jiray Internnational Preparatory Committee –
guddiga diyaar-garaynaya sanadkii 1975-kii kaas oo ay Soomaaliya qeyb kanoqotay
waxaana gacanta haysay Soomaalida, Valentina Tereshkova oo markaas qeyb
weyn ka aheyd guddiyadi waday howshaas.
Sida ay sheegtay Drs.
Maryan Xaaji Cilmi oo waqtigaas ahayd Guddoomiyaha Ururka
Haweenka Soomaaliyeed, dalka ayaa lagu qabtay Regional Preparatory
Committee; Dhinaca kalena waxaa socday sharci la yiraahdo Axwaalu-Shakhsiyah
ama sharciga qoyska oo muddo badanba ku dhex meer-meereysanayay dawladaha
Carbeed ee Muslimka ah, use janjeera Hanti-wadaagga.
Waxaa kamid ahayd
Suuriya, Ciraaq iyo Cadan. Marka waxaa la yiri Axwaalu Shakhsiyah
ama - statuto personale - ama sharciga qoyska, afar qodob ayuu ka
koobnaa: qodobka sooshiyaalka ah ee xadidaad la xadidayo ragga iyo
guurarka iyo cadaalad-darrada dumarka ku dhacayso, waxyaalahaan maanta la wado
ee la yiraahdo qoondada adduunka iyo qoyska sinnaantiisa.
Qodobka afaraad wuxuu
ahaa qodob aad xasaasi u ah oo wuxuu ahaa dhaxalka. Qodobkaas dhaxalka inay
gabadha iyo wiilku u siman yihiin iyo wixii xuquuq ah ee bulshada ka tirsan.
Qodobkaan 4aad
dowladihii Islaamka ee Carabta way ka aamuseen hayeeshee Soomaaliya oo la
heysatay ilbaxnimadii Midawgii Soofiyati ayay sidiisa qodobkaan u qaadatay.
Hayeshee laab-lakicii
iyo kafiirsi la’aantii maalintaas ee madaxdii dalka, dadka qaar ayaa ku
micneeya inay sababsatay wixii dalka ku dhacay ayaga oo waa qalad Alle
laga galay –istaaqfaarna u baahan.
Xuska Maalinta
Haweenka Soomaaliyeed waxaa lagu beegay 11 bisha Jannaayo: dumar
aad u fara badan ayaa iskugu soo baxay garoonka kubadda cagta ee Koonis
‘Banaadir Stadium’ ee magaalda Muqdisho oo ay ka dhacaysay
xafladda.
Maxadweynihii
Jamhuuriyadda Soomaaliya, General Maxamed Siyaad Barre ayaa
khudbad ka jeediyey garoonka ciyaaraha 11/1/1975 oo ku aadaneyd munaasabadda
ciida Haweenka Adduunka, waxaana uu halkaas ka sheegay in Golaha Sare ee
Kacaanka uu go’aansaday Sinnaanshaha Raga iyo Dumarka dhan kasta xittaa
midka ku saleysan xaga dhaxalka. Wuxuu yiri; “Laga bilaabo maanta iyo
wixii ka danbeeya gabadhu waxay ka qeyb qaadan doontaa dhaxalka aabeheed, taas
waxay la mid tahay in wiilka iyo gabdhaba ay isku dhaxal yihiin oo si
isla eg ay u qeybsanayaan dhaxalka waalidkooda”.
Khudbadiisa wuxuu ku
caddeeyey in aaney jirin wax la yiraahdo Nus, Rubuc, Thulus iwm oo
xagga dhaxalka ku saabsan.
Khudbadaas waxaa si
weyn uga soo horjeestay culamadii Soomaaliyeed oo gaashaanka u daruuray inaan
lagu sameeyn diinta wax bedelaad ah, maxaa yeelay waxay u arkeen khudbadii
madaxwayneMaxa’ed Siyaad in lagu bedelay aayad kamid ah aayadaha
Qur'aanka Munasalka ah, isla markaan culumada ay ka dalbadeen dowladda iyo
madaxweynahaba in arintaas laga noqdo.
Qaanuunkaas oo ah mid
kasoo horjeeda caqiidada Islaamka, taas oo keeni karta dhibaato adduunyo iyo
mid aakhiro. Intaas kadib dowladdu waxay ku adkeysatay go’aankeedii ahaa
sindaanta raga iyo dumarka.
17-kii January
1975-kii ayaa salaaddii Jimcaha ee lagu tukanayey masjidyada ku yaalla magaalda
Muqdisho waxay culimadu kaga soo horjeesteen arrintaan iyada oo dowladdu ay
fal-celin ka samaysay qudbadii culumada xirxirtayna kuwii ka soo
horjeestay.
Culimada ayaa loo
gudbiyay maxakamadda. Markii ay maxkamaddu dhageysatay eedeynta uu xeer
ilaaliyaheedu soo jeediyey ayaa guddoomiyihii uu ku dhawaaqay in kadib markii
ay maqleen eedaynta xeer ilaaliyaha soo jeediyey iyo markhaati furka ay
sameeyeen ciidamadii soo qabqabtay culimada oo ku dhex sugnaa Masjidyada ay
Maxkamaddu ku soo showreyso qol gaar ah.
Wax yar kadib
markii ay kusoo laabteen hoolkii Maxkamadda, ayuu guddoomiyaha oo taagan
ku dhawaaqay in maxkamaddu dil toogasho ah ku xukuntay lix kamid ah culimadaas,
tiro kalena lagu xukumay xabsi 30-sanadood oo xarig ah.
Culimaa'uddiin iyo
wax-garad kale oo askartu kasoo kala qabteen goobo kala duwan ayey mar kale
maxkamaddu xukuntay 19-kii January 1975-kii, wuxuuna guddoomiyihii dil toogasho
ah ku xukumay afar wadaad iyada oo tiro kalena lagu xukuumay 20-sano oo xarig
ah.
Madax badan oo ka
tirsan caalamka ayaa Jaalle Maxamed Siyaad Barre ka codsaday inuu ka noqdo
xukunka dilka ah ee lagu riday wadaaddadas. Hey'ado badan oo caalami ah una
dooda xuquuqda Insaanka ayaa iyaguna cambaareeyey xukunkaas degdegga ah.
Taariikhdu markay
ahayd 26-kii January 1975-kii, ayaa la dilay 10-kii wadaad ee toogashada lagu
xukumay. Waxaana subaxnimadii isla taariikhdaas lagu toogtay kasoo
horjeedka Dugsiga Tababarka Booliska ee magaalada Muqdisho.
Magacyadii Culimadii
la toogtay:
1. Sheekh Axmed Sheekh Maxamed.
2. Cali Jaamac
Xirsi.
3. Sheekh Muuse Yuusuf.
4. Aadan Cali
Xirsi.
5. Suleymaan Jaamac
Maxamed.
6. Sheekh Axmed Iimaan.
7. Yaasiin Cilmi Cawil.
8. Cali Xasan
Warsame.
9. Sheekh Maxamed Siyaad Xirsi.
10. Xasan Ciise Jilibey.
Subaxaas wixii ka
dambeeyay dadka xasuusta u saaxiibka ah ee waqtigaas goob jooga ahaa ayaa ku
dooda in Soomaaliya ay ku bilaabatay dhibaatada illaa iyo maanta ay la daalaa
dhacayso.
Isla maalintaasna
waxaa dhacay shil isna aan hilmaamid lahayn waxaana isku dhacay labo diyaarad
oo milatariga XDS ay lahaayeen kuwaas oo galaaftay nolosha dad badan oo shacab
ah oo ay kusoo dul dhaceen diyaaraduhu.
1977kii Soomaaliya
waxay dagaal lagashay dowladda Ethopia dagaal kaas oo aysan ka gaarin hadafkii
ay u qaaday in kasta oo bilowgii dagaalka ay geesiyaashu soo hooyeen guulo wax
ku ool ah, waxana garbo badan oo ay Ethopia heshay Soomaalida ku qasbay inay
dib uga soo baxaan dagaalka.
Isla sanadkaas
dowladdu waxay dhumisay xiriirkii wanaagsanaa ee kala dhexeeyay Midawgii
Suufiyati iyada oo sidaas oo kale ay ka baxday ururkii Jaamacadda Carabta.
13kii Novemper
1977-kii kulan ay yeesheen golihii dhexe ee Xisbiga Hanti-wadaagga ayaa
xiriirka loogu jaray Midawgii Suufiyeeti.
Dabayaaqadii
1978-kii, Col. Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa aas’aasay mucaaradkii
ugu horreeyay taariikhda Soomaaliya, waxayna aheyd Jabhaddii SSF taas oo
bishii October 1981-kii isku bedeshey SSDF.
Sidaas oo kale,
Jabhadihii SNM ayaa la aas’aasay 1981; USC 1989; iyo SPM 1989 ayaa
dhamaantood u midoobey sidii ay u tuuri lahaayeen xukuumaddii Siyaad Barre.
April 9, 1978 - Waxaa
dhicisoobey Inqilaab lala maaganaa in lagu rido xukuumaddii Jaalle Siyaad
Barre.
January 27, 1991kii,
Maxamed Siyaad Barre ayaa ka baxay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho,
waxaana la wareegay jabhadihii.
1991kii,
awoodihii Maxamed Faarax Caydiid iyo Cali Mahdi Maxamed ayaa isu rogey dagaal
kaas oo ay Kumanyaal shacab ahi ku dhinteen.
Dec 3, 1992-kii Golaha
Ammaanka ee QM ayaa go'aamiyey in Soomaaliya loo diro ciidamo hubaysan oo nabad
ilaalin ah oo uu Maraykanku hoggaaminayo.
Dec 9, 1992-kii
ciidamada badda ee Maraykanka ayaa caga-dhigtay xeebta caasimadda
Soomaaliya, iyaga oo watay magacii ahaa "Hawlgalkii Rajo Soo Celinta waxaana
lasoo horumariyay 25000 oo askari.
Maalmo kadib waxaa
Soomaaliya soo gaaray madaxwaynihii Maraykanka, George W. Bush kaas oo
qiimaynayay xaaladda ciidamadiisi joogay dalka.
June 5, 1993
ciidamadii Maxamed Faarax Caydiid ayaa dilay 24 kamid ah askartii
QM ee nabad ilaalinta u joogay Soomaaliya.
Diyaaradihii dagaalka
ee Maraykanka waxa ay weerareen meelo badan oo ay is lahaayeen wuu ku
dhuumaalaysnayaa Janaraal Caydiid: hayeeshee kuma aysan guulaysan waxayna kala
kulmeen caqabad wayn sidii ay u soo qaban lahaayeen oo hadafkooda ugu wayn ahaa
kaas oo ay ilaa iyo hadda ku doodaan inuu u sabab ahaa geerida askartooda
ku naf waayay Muqdisho.
Wixii markaas ka
dambeeyay xaaladdu waxay aheyd jaantaa rogan wuxuuna dalku u gacan galay
hoggaamiye kooxeedyo iyo ururro kala duwan.
Gunaanad-ka
Qormada fikriyan Marka aad fiiriso dhamaan
sheekooyinka aan kor kusoo xusnay wad aamini kartaa in dhibaatada Soomaaliya ay
ka soo bilaabatay Simiddii Ragga Iyo Dumarka Ee Uu Dhiigu Ku
Daatay.
W/Q Abdi Aziz
Adan Urur
Cabdicaziiz149@gmail.com
No comments: