Maqaal:- Kulanki ay beesha H-gidir ku taageertay AAWarsame.
![]() |
AAWarsame iyo Taageerayaashiisa. |
Somaalidu waa bulsho rumeysan diinta Islaamka, heysta dhaqan iyo ilbax-nimo suuban oo ay dhigooda kaga sarreyan, waa is dhowrte-yaal aan kala maarmin naq iyo jiilaal-ba, waa dhiirfoona-yaal dhowrta kooda indheer-garadka ah ee howl-karnimo iyo hibooyin Eebe ugu deeqay lagu arkay, waa deeqsi-yaal aan hagardaamada iyo haddimooyanka la jecleyn hoggaankooda, waa umad hodan ku ah is cafiska, isku calool furnaanta, is casuumidda iyo isla caweynta, waa dad ku dhaqma nidaamka ah ‘tol waa tolane’ iyo ‘tol xeer leh xantiir ma leh’.
Sidaas
oo ay tahay qarniyaal badan oo jiritaakeenna ah iyo 60 sano kadib
dowlad-nimadeenna ma joogno meeshi iyo mansab-ki nagu haboonaa ee aan u qalanay
in aan ka ciyaarno Afrikada madow iyo adduun weynaha baratanku ka dhaxeeyo, waxaana
taas loo aaneeyaa hoggaan xumo daris nala ah tan yo xornimadeenni, diihaal-ka
dowlodnimo ee naga muuqatana waa mid ay abuureen habacsayaal ku xad-gudbay
xilal loo igmaday -Abuses The Position.
Maqalka
shir ama kulan qabiil ee dhagahaada kusoo dhaca waxaa laga yaaba in aad durba
tiraahdid waa durbaan colaadeed, gocatid-na shirar-ki guubaabada iyo kicinta
qabiilka, kibir-ki iyo faanki geel kala dhicidda ee Somaalidu dhaqanka u
lahayd, hayeeshee Isbadal-ka waayuhu waa cajiib oo galinba waa ceyn, waxaan
qoraalkan gaaban uga hadlayaa Kulan Muqdisho ka dhacay oo ay Beesha Habar-gidir
taageero ugu muujisay hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur
Warsame.
Somaalidu
waxay dhahan dhib iyo dheefba adduun-ku waa meerto, oo ula jeedku yahay
barwaaqo iyo baraare laguma waaro, silac iyo darxumna abid laguma jiro, oo
ninki nool isbadalka maalmo adduun waa is dhadhamin, waxaan ula jeedaa bal in
aan ku dajiyo si aadan sas uga qaadin
magaca qabiilka, kuuna sheego is badal-ka dhacay iyo u jeedada kulanka. Hillaac
biyihiis waa caddeeyaa, Kadib doorashadi Golaha Hogaaminta Beesha Habargidir
(GHHG) ee Magaalada Hobyo Borofesoor Cabdiqaadir Maxamed Shirwac wuxuu si
maldahan carabka ugu dhuftay in golohu uu hoowlihiisa hor-tabinta leh ku dari
doono kala saaridda siyaasiyiinta beesha ka dhashay ee u dig iyo dam leh
qabashada xilal-ka heer maamul goboleed iyo mid federal-ba, isagoo taas ka
duulaya AAWarsame wuxuu beelweynta weydiistay garab-istaag iyo taakeero, taas
ayaan keentay kulanka dhacay 29-ki bishi 9, 2020-ka.
26
Sebtembar 2020, Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ansixiyay heshiiskii doorashada ee
ay gaaraeen MW JFS, Md. Maxamed A. Farmaayo iyo Madaxda maamul goboleedyada,
taas oo meesha ka saartay doorashadi Qof iyo Cod (One Person, One Vote ) ee
qorshuhu ahaa in ay dalka ka qabsoonto xilli doorasheed-ka hadda loo dareeray, sidaas
daraadeed maadaama dalku dib ugu laabtay doorasadi dadbaneyd, MR. Warsame kulankan
iyo taageerada uu H-Gidir ka helay waxa ay ugu soo aaday xilli u miihiim ah
musharxnimadiisa marka loo eego siyaasiyiinta kale ee ay isku heeybta yihiin ee
damaca musharaxnimo ku jiro. Ragga daawadiis waa inuu kala danbeeyaaye, oo
darajo wayn loo qiraa, kan ugu door-roone.
Qoraaga
Mareykanka ah ee Mark Skousen ayaa laga hayaa inuu yiri “Marnaba ma bedeli
karno hogaamiye-yaasheenna siyaasadda Ilaa aan badalno dadka doorta”. “We shall
never change our political leaders until we change the people who elect them.
Sidaas oo kale waa dhaqan muhiim ah oo bogaadin iyo ku dayasho mudan in beeluhu
iska soo saran oo ay doorashada u soo diraan siyaasiga ay ku tuhmayaan hoggaamin
wanaagsan, si dadka u codeynaya ay kala doorashadu ugu fududaato, dalkuna
hoggaan-san ku helo.
Adduunyadan
qofkii suubanaa suuqa lagu caayo
Adduunyadan
sinaantiyo sharciga laga santaagaayo
Adduunyadan
sawiran ee lahayn sal iyo raad-toona
Adduunyadan
salaxan ee ka maqan sababihii khayrka
Adduunyadan
siqiirkuna ogyahay ee sinta u jiifta.
W/T: Abwaan Cali Cilmi Afyare.
“Ummad
kasta waxaa sal u ah horumarkeeda isbedel joogta ah oo bulshadeeda ku dhaca
kaasoo saamayn ku yeesha sida ay bulshadaasi nolasha u aragto, hab-dhaqankeeda
bulsho, qiyamkeeda siyaasadeed iyo habkeeda dhaqan dhaqaale. Isbedelku iskama
yimaado ilaa ay si go’an oo dareen hufan
leh indheergaradkeeda iyo hoggaanka bulshada u dareemaan baahidiisa, islmarkaana hay’adaha
sida tooska ah bulashada raadeeya ay ka hawlgalaan arrinkan”. (AAWarsame).
Maanta
dalku wuxuu taagan yahay kala-beyr adag, wuxuu u baahan yahay hor-seede leh
garasho dheeri ah iyo xilkasnimo balaaran, hayaanshe la hubo oo aqoon, karti,
waaya-eargnimo, dulqaad, diin, dareen-dowladnimo, dadnimo, degenaan, kalsooni,
faham iyo xeeldheera-nimo rabbi siiyay, ahna wadani diyaar u ah in uu dalka ka
samata bixiyo mashaqada margiyada jartay ee mugdiga jahliga, musuqa iyo
cadaalad-darrada, quursiga iyo isla qabweynida, qabyaaladda, qaadka iyo wax walba oo dowlad la’aanta sababay, isla
markaana ah nin hir-galin kara iftiinka aqoonta, cadaalad loo dhan yahay, tubta
nabadda, sinnaanta, sharaf, karaamo, iyo is-ogol, isla guddoomin, iyo isku
tanaasul.
Qof
garaad leh laba goor god lagama qaniino, ayay mahmaah ahayd, Abdirahman A.
Warsame waa nin buuxin kara kana bixi kara astaamaha kor ku xusan, qeyb ka mid
ahna ay hal-ku-dhig u yihiin isaga iyo xisbigiisa Wadajir, waana nin dulqaad-ka
u saaxiib ah, waya-aragnimo iyo faham siyaasadeedna Rabbi siiyay , maaha
afgarooc aan dadkiisa hadalka deeqsiin karin ee waa af-tahan si fudud u kara
erayada uu oran rabo, waa nin kasa, kara oo aan runta ka gamban. “afku wuxuu la
xoog yahay magliga xawda ka jara”. Qofba inta uu midka kale ka hadal aqoonsan
yahay wuu ka heybad badan yahay, kana gaari og-yahay hiigsiga iyo himilooyinka
loo socdo. Haddi 2017 ay Soomaaliya ka il-duuftay in ay xilka Madaxweynimo u
dhiibtaan Warsame, mar kale 2021-ka waxaa jirta fursado kale oo uu dalka kaga
faa’iideyn karo ee fadlan doorta.
Saddex
saddex bay ka tagtaa:- Roobku rays buu ka tagaa, Raggu ra’yi buu ka tagaa,
Raaliyo haweenna raas bay ka tagtaa-bey Soomaalidu dhadaa, aan tan raga soo
qaate Mr. Warsame waa siyaasi ra’yi muuqda leh oo jiil-keenna hadda iyo
mustaqbalka uga tagaya dhaxal siyaasadeed oo manfac fiican u yeelanaya qofki
wadadaas qaada, u howl-gala una hirgasho. Sidoo kale mahmaahyada Saddex-leyda
loo yaqaan waxaa ka soo qaadanayaa mid
kale oo oraneysa, Saddex buu raggu is-dheer yahay:- Garashada waxa soo socda,
Wax ka qabashada waxa jooga iyo ka samridda wax tegay, aqriste tan danbe noo
micney kadibna ku dabaq inta aad ka taqaanid AAWarsame.
Waxaa
jirta dood leh wixii ugu mihiimsanayaa ee laga faa’iiday geedi socodki nabadda
tan iyo burburkii dowladda wuxuu ahaa heshiiskii 2008 ee dawladda KMG ahayd iyo
Isbaheysiga Dib U-xoreynta ku dhex maray dalka Jabuuti, AAWarsame wuxuu
shirkaas ka ahaa garwadeen(Chief Negotiator), wuxuuna ka mid ahaa masuuliinti
ugu mihiimsanaa ee sababay in kadib 2008 aan dibad loo raadin heshiis lagu dhisayo
dowladnimo Soomaaliyeed, maadaama uu dalka ka soo gudbiyay marxalad adag waxaa
jirta fursado kale oo uu dalka kaga faa’iideyn karo ee fadlan doorta.
Aqoontiisa
iyo aragtidiisa siyaasadeed, ogaalkiisa xaaladaha nagu xeeran iyo marxaladaha
jira, ka war qabkiisa loolanka dariska, baratanka adduunka iyo fahamka uu u
leeyahay danaha uu dalkeennu leeyhaay iyo kuwa laga leeyay, damaciisa u aadan
sal u dhigidda xasiloonida siyaasadda Soomaaliya, intaas iyo ka badan marka ay
beel-weynta H-gidir aragtay waxa ay siyaasigaan Soomaaliyeed ku taageereen mushaxnimadiisa,
marxaladda dalku jiro xilliga qofki ku haboonaa ee darka loo dhiibi lahaa waa AAWarsame ee Soomaaliyeey
fadlan doorta.
Ugu
danbeyn, waxaan ku soo xirayaa qoraalka, Salaan aan u dirayo Hoggaamiyaha,
waxaan kuu rajeynayaa guul, waxaan kaa filayaa haddi rabbi kursiga kuugu
guuleeyo in aad noqotid sama-ka-taliye dadka isku wada, dalka hormariya,
dastuur-ka ilaaliya, dhisa ha’yadaha dowliga ah ee aan isagu shaqsi ahaan is
dhisin. Waxaan ahay mid ka mid ah taageerayaashaada guuleyso.
Aqriste
haddi aad ilaa halkan soo gaartay aadna aqrisay dhamaan qoraalkan adigana guuleyso.
Mahadsanidiin.
Wabillaahi
Towfiiq.
No comments: