Ciidamada Itoobiya Xal ma u yihiin Mushkiladda amni-darro ee dalka ka taagan?
Muqdisho - Ardayda Soomaaliyeed dugsiyada hoose waxaa lagu baraa in
dhul-keenna ah uu inooga maqan yahay Xabashida iyo Kenya, isla markaana ay
jirto Soomaaliweyn, calanka buluugga ah xiddigta shanta gees leh ee dhexda kaga
taalla waxaa loogu micneeyaa inuu u taagan yahay Shanta Gobol ee Soomaalidu u
qeybsan tahay. Soomaali Galbeed oo ah dhulka ku maqan Xabashida Ethiopia iyo
Soomaalida Degmooyinka Seeraha Waqooyi ee NFD oo ku jira gacmaha Kenya mooyee
inta kale waa kuwa madax-bannaan.
Qof yaraantiisii lagu soo ababiyay Soomaalidaas, siduu
maanta ku aqbalayaa waddamadii gumeystuhu kuu gumeeyey ayaa ku geynaya guri
nabadeed kaana raraya geyi colaadeed?!
U jeedada maqaalkan sida ka muuqata ciwaanka, waxaan kaga
hadli doonaa ciidamada Ethiopia ee bilawgii bishan soo galay xuduudda
Soomaaliya. Dabcan markii horaba ciidamada Xabashidu way ku sugnaayeen gudaha
dalka magacii la doonaba ha loogu yeeree, waxaa la sheegaa in ciidamadeeda
magaca AMISOM ku jooga ay ka badan yihiin kuwa kale ee bilaa ogaal dalka ugu
sugan.
Kadib dhacdadii 14-kii October ee is-goyska Zoobe,
madax-weyanaha Soomaaliya Mr-Farmaajo, 18 Oktobar 2017, ayuu ku dhawaaqay
dagaal ka dhan ah al-Shabaab: October 23, 2017, madaxweynuhu wuxuu ka degay
Addis Ababa isaga oo halkaas ku tagay safar uu ugu kicitimay waddamada gobolka
ee ciidamadu ka joogaan Soomaaliya. Waxaana kasii horreeyey tagistiisa Uganda.
Waxaa la aaminsan yahay in madaxweynaha uu madaxda kala hadlay sidii loo
dardar-gelin lahaa la dagaalanka al-Shabaab.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa xaqiijisay wararka
sheegaya in ciidamadooda ay gudaha usoo galeen Soomaaliya. Afhayeen u hadlay
Wasaaradda oo la yiraahdo Meles Alem ayaana arrintan u caddeeyey APA News.
Bishii December 2006-dii ciidamada Ethiopia waxa ay soo
gaareen magaalada Muqdisho iyada oo dowladda Ethiopia ay si cad u jabisay
go’aan uu soo saaray Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay December 6, 2006,
kaas oo tirsigiisu ahaa 1725, qodobka 4aad waxaa lagu sheegay dowladaha
xuduudda la leh Soomaaliya ciidamo ka socda inaan la geyn karin Somaaliya.
Murtidii Soomaaliyeed oo aheyd Qoriga dhig ee Qalinka qaado
daba-yaaqadii sanadkii 2006-dii markii ciidamada Ethiopia soo galeen waxaa loo
badalay Qalinka Dhig ee Qorayga Qaado taas oo noqotay fikrad hir-gashay. Bishii
Oktobar, 2011, Kenya ayaa soo gashay Soomaaliya iyada oo markaas ku
xadgudubtay sharciga caalamiga ah ee 1725. Madaxweynihii Soomaaliya, Sheekh
Shariif Sheekh Axmed, wuxuu si cad u sheegay in Dowladda Soomaaliya iyo
dadkeeduba aysan ku qanacsanayn fara-gelinta Kenya.
Waddan wuu dhistaa ciidan xoog leh wuxuuse u dhistaa in uu
ku difaaco sharaftiisa kuna ilaaliyo soohdintiisa si aysan ugu soo
xad-gudbin deriskiisa iyo kuwa kalaba. Su’aasha ayaase ah: waddamadaas
aad iyaga ka dhisaneysid darbiga adag, makula dhisayaan ciidan si aad iskaga
moostid daadadkooda?!
Danaha ay Ethiopia ka leedahay Soomaaliya ma ahan in ay soo
laabato Soomaalidii 1969-kii, ujeedkeeda joogitaan ee Soomaaliya ma ahan nabad
ku dabaalid iyo dagaal ay la gasho ururka Jihadism-ka ee ka dagaalama
Soomaaliya. Tusaale, July 25, 2016-kii, mareegta Mustaqbalradio.com ayaa qortay
in Ciidanka Itoobiya ay ka baxeen Garas-weyne oo ku taalla gobolka Bakool.
March 17, 2013 ciidamada Ethiopia waxa faarujiyeen degmada
Xudur ee xarunta gobalka Bakool, sanad kadib markii ay ka qabsadeen Xoogaga
al-Shabaab, October 26, 2016 ciidamada Ethiopia waxa ay isaga baxeen Tiyeeglow:
April 03, 2017 waxay baneeyeen degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud, waxaa
jira deegaano kale oo ay faarujiyeen Ciidamada Ethiopia sida; Ceel Cali,
Moqokori iyo Halgan – iyo deegaannada Rabdhuure, Buurdhuxunle, Budbud iyo
Galcad.
Waxaa xusid mudan in marka ay deegaan ka baxaan ciidamada
AMISOM isla xilligaas ama waqti ka agdhow ay iyaguna faarujiyaan ciidamada
dowladda Soomaaliya ee kula sugan maadaama markii horaba loo tababbaray in
dabka la iskaga dhigo oo aan loo carbin in ay si xor ah u difaac tamaan.
Xigmaddii aheyd doodaa wanaagsan ma noqoneysid illa aad dhageyste wanaagsan
noqotid, waxaa lagu bedeley Askari wanaagsan noqon meysid illa aad difaac
AMISOM Noqotid.
Wasiirka warfaafinta ee Itoobiya, Getachew Reda oo ka
hadlayey sababta ay ciidanka dalkiisu uga baxeen deegaanno ka tirsan koonfurta
Soomaaliya ayaa yiri; “Joogitaankeenna Soomaaliya ayaa ah laba nooc: laba kun
oo askari ayaa nagaga jira AMISOM. Waxaa intaa dheer dhowr kun oo
askarteenna ah kuwaas oo caawinaya AMISOM iyo ciidanka dowladda Federaalka.
Ethiopia, the official said, was only withdrawing troops
from Somalia, but not the African Union Mission in Somalia AMISOM.
AUN Cabdulqaadir Cusmaan Maxamuud Aroma buuggiisa Taangiga
Tigreega: ayuu ku qoray danaha Ethiopia iyo Kenya ay ka leeyihiin Soomaaliya,
qoraalkaan yar laakiin macnaha badan xambaarsan ayaan kasoo qaadanayaa.
Wuxuu yiri; “Guddi uu madax ka yahay Dr Tekede Alemu oo Meles Zenawi u
xilsaaray arrimaha Soomaaliya, waxay ku taliyeen marka hore Somaaliya in loo
qeybiyo Koofur & Woqooyi kadibna Koofur loo sii qeybiyo shan
maxmiyadood oo kala ah: Puntland, Midland, Banadirland, Bayland &
Jubbaland.
Madaxweynihii hore ee Kenya, Moi isaga oo Washington jooga
19/09/2003 wuxuu yiri; “Somaaliya oo qaran awood leh noqota waxay halis ku
tahay waddamada deriska la ah.” Qareen Donald Kipkorir oo u dhuun-daloola
danaha Kenya ka leedahay Somaaliya dhowr jeer wargeyska Daily Nation ee kasoo
baxa Nairobi wuxuu ku qoray riyada madaxda Kenya, wuxuuna ku taliyey
Soomaaliya in laba loo qeybiyo oo la kala raaciyo Kenya & Itoobiya. Wuxuu
ahaa nin wax badan og.
Waxa uurka ku jira, marbuu afku xadaa ayay Soomaalidu
tiraahdaa. Madal waliba, madaxda wadamadan waxaa kasoo fakata cadaawadda
ay uurka ugu hayaan Xukuumadda Muqdisho, waxaana tusaale kuugu filan, September
19, 2003, Madaxweynahii hore ee Kenya, Daniel Toroitich arap Moi oo hadal ka
jeediyay Jaamacadda American Defence University – Washington DC ee dalka
Maraykanka wuxuu sheegay in dib u dhaca nabadaynta Soomaaliya ay salka ku hayso
shakiga ay dalalka gobolku ka qabaan Soomaali oo midaysan inay sii wadi doonto
riyada is-ballaarinta.’ Taas oo uu kala jeedo Soomaali weyn oo dib u midowda.
Former President Moi said one of the drawbacks in the
Somalia peace process was the regional suspicion that a united Somalia might
pursue its “expansionist dreams”.
Qofka madaxda ah waa sida Faynuus, Faynuusna haddii aysan
iftiimeyn ma ifin karto guri mugdi ah ayay xikmaddu aheyd, waa run oo
hogaamiyayaasha Xabashada iyo Kenya, runtii wey ifiyeen dalalkooda, dad inaga
tirsan iyo dunida kale oo uu ugu weyn yahay Maraykanka ayaana garab ku siiyey
in ay mugdi ka dhigaan gurigeenna. Wadamo madaxdii ugu sarreysay ay sidaas
qabaan sidee ugu qanci karnaa in ay nabad ilaaliyayaal yihiin isla maraakana ay
dib dhidibada ugu taagayaan deganaasho amni oo ka dhasha Soomaalidii nabadda u saaxiibka
aheyd?!
Yaabka yaabkiisu waa Geel geesa yeeshay, Soomaaliya
Soomaalibaa leh mawaxaa lagu bedeshey Soomaliya Ethiopia ayaa leh? Dhacdo
qariib ah ayaa dhacday 04/01- 2007, RW ku xigeenkii Soomaaliya – ahaana
Wasiirka arimaha gudaha – Xuseen Caydiid ayaa sheegay in Itoobiya iyo
Soomaaliya xuduudahooda la isku furi doono, isla markaana ay yeelan doonaan hal
Baasaboor iyo hal ciidan, waxa uuna sheegay in la baabi’inayo xuduudii
Soomaaliya ay la lahayd Itoobiya. Wuxuu yiri; “Xuduud labo kun oo km ayaa inoo
dhexeysa: xudduudaas in aan baabi’ino ayaan rabnaa maxaa yeelay walaalo ayaan
nahay wax noo dhexeeya ma jiraan.” Waxaa la yiri dulmigu wuxuu siibaa nimcada,
kibirkuna wuxuu soo jiidaa halaagga. Mushkiladda ka aloosan Soomaaliya waa mid
ay madaxdeenii abuurtay.
Haddii aan kusoo laabto ciidamada Ethiopia ee bilawgii
bishan soo galay gudaha Soomaaliya maxay ka duwan yihiin kuwa hadda ku sugan
dalka ee dhibaatada joogtada ah ku haya dadka shacabka sida; qafaalka, xarigga,
dilalka, cudurrada iwm? Maxayse kaga badalan yihiin kuwa aan kor kusoo sheegay
ee sida joogtada ah u baneeya deegaanadda muhiimka ah oo ay degan yihiin? Waa
maxayse farqiqa u dhexeeya kuwii duullaanka qaawan ku yimid dalka daba-yaaqadii
2006-dii ee caasimaddii Africa ka dhigay xabaalaha dunida?! Jawaabtaas
aqristayaasha ayaan u deynayaa.
Cilmigu wuu kula dhintaa hantina waa lagaa dhaxlaa,
madaxdeennu maanta ma’ahan in ay qaadaan waddadii uu qaaday mudanihii aan kor
kusoo sheegay ee xuddudaha Soomaalida iyo Xabashida isku daray, hab dhaqan
Soomaalinimo iyo siyaasad furfuran oo ay la timaado dowladda Mr Farmaajo, waxay
waddo cad ku jiheyn kartaa shacab niyad ahaan iska soo ag dhawaaday kadib 14
October. Markaad milicsato dowladdii uu madawweynaha ka ahaa AUN Cabdullaahi
Yuusuf Axmed, waxaa markiiba kuugu soo dhacaya dabaabaadkii Ethiopia oo soo
galaya Muqdisho iyo dhiiga shacabka oo qulqulaya, hooyo gablantay iyo hoy
gubanaya, madfac iyo dhego-jabiye, qulqulatooyinka qaxa iyo qaxootiga,
heerka ay gaartay cabsida laga qabo madaafiicda sida indha la’aanta ah ay u
hurgufayeen Xabashidu. Xataa waxaa si looga maato bartay duunyadii oo
dadka uga horeyn jiray goobaha looga gambado qaraxa madaafiicda!
Ujeedadeydu waa in dadku marka ay soo xusuustaan maalmaha
danbe, dowladdan aysan quluubtooda mahadho ku reebin. Waxaana kula talin
lahaa madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo iyo RW Xasan
Cali Kheyre, in ay dib u fiiriyaan rajada iyo damaca waddamada ay ciidamadu ka
joogaan Soomaaliya isla markaana dib loo eego qodobkii Golaha Ammaanka Qaramada
Midoobay uu soo saaray December 6, 2006-dii ee tirsigiisu ahaa 1725,
farqadiisa 4aad. Lagana faa’iideysto waddamada aan cadaawadda xuduudeed kala
dhaxeynin Soomaaliya – diyaarkana u ah inay wax taraan dalkeenna.
Qore: Abdiaziz Adan Urur.
Kala xiriir: farriin-danabeed;
cabdicaziiz149@gmail.com.
cabdicaziiz149@gmail.com.
Thanks wll
ReplyDelete