Gabood-faladi ay dowladdu gashay gugeedi koobaad.
Muqdisho - Maqaalkani maaha qoraal siyaasadeed, maaha muxaafid ama mucaarad, maaha qabyaalad iyo qaran-dumis, maaha mid kula jira kaana jira, maaha murti iyo suugaan, maaha mushkilad iyo marin-habaabib, maaha maaweelo iyo madadaalo, mana ahan mucjiso waaxid iyo wadar toona ku wajahan.
Bulshaan
kala sarreyn iyo sinnaan baan sugeynee, sedbursigoo lasuulshiyo xaq-soor baan
sugeynee, Saxalkoo dhammaadiyo sharaf baan sugeynee, Gacmo laysi-saariyo nabad
baan sugeynee, Sallaankii midnimadoo la kabaan sugeynee, Seermaweydo hoortiyo
xareed baan sugeynee, Guryosamo la dego iyo barwaaqaan sugeynee, Saadaashii may
noqon oo saakey ka daran tahay, Eebbow na samata-bixi oo guusha hayna seejin.
Abwaan Maxamed Warsame Tabantaabo
Sida
ka muuqata ciwaanka qoraalkan waxaan kaga hadlayaa sida uu iila muuqdo sanadkii
koobaad ee Dowladda mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmajo, Siddeedii bishii
Feebaraayo ee sanadkii tagay Soomaaliya waxa ay yeelatay madaxweyne Cusub,
qofka kasta wuxuu u riyaaqay natiijadii kasoo baxday doorashada, waxaana la
hamiyeye in laga bixi doono mugdiga jahliga, colaadda, cadaalad-darrada,
qabyaaladda, qaran-jabka, dagaalada sokeeye, dowlad la’aanta, quursiga iyo wax
waliba oo la hal maala. Tiigsiga iyo tawalintu waxa ay aheyd iftiinka aqoonta,
cadaalad loo dhan yahay, tubta nabadda, sinnaanta, sharaf, karaamo, iyo Garsoor
daacad ah. Halka ay gaartay farxadda shacabka waxaa laga dareemay dal iyo
dibadba si wada jir ah ayuuna dadweynuhu ugu heesay dowladda cusub “maantay
curatoo wey mataaneysee aan maalno hasheenii maandeeq”.
Geesiyaal
mudan in la xasuusto ayaa 1993-dii, Admiral Jonathan Howe iyo ciidankii uu
hogaaminayey ee loogu magacdaray howl-galkii rajo soo celinta Operation Restore
Hope, kula dagaalamay dalka, isla markaana is-hortaag ku sameeyey yoolkii
Boutros Boutros Ghali ee ahaa in dib Soomaaliya loogu celiyo maxmiyad cusub
isla markaana la hir-galiyo damacii Mareykanka ee New World Order, sidaan oo
kale taageerayashii Geesiyaashaas waxa ay markaas ku maansoodeen, “maantay
curatoo wey mataaneysee aan maalno hasheenii maandeeq”. Hayeeshee
hal-dooradii soo hooyay guushaas taariikhiga ah waxa ay ku dagaalameen
dambarkii Maandeeq oo nin waliba waxa uu hamiyey in uu qod-qaniin ku maalo.
Sidaas
oo kale doorashadii dhacday bishii Feebaraayo 2017, dhamaan musharaxiintii la
tartantay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh, waxa ay ku
hadaaqayeen erayga Isbaddel-doon qof waliba wuu rumeysanyahay Eex iyo Addiyad
in kursi doonku ay iskuugu dareen Mr. Xasan si uusan u soo laaban, galabtii
lagu balamay fagaarihii faltanka ee 8 bishaasna wey kaga adkaadeen si codadka
ay isku siiyeenba. Sidan kor kusoo sheegay waxaa la’is lahaa waa laga
gudbi doonaa sabankii suluf colaadeedka iyo salowga qabiilka, hayeeshee nasiib
darro manta waxaa madaxa iyo majaha isku dhagan raggii ra’yiga mideysan lahaa
ee guusha kasoo hooyey muxaafidkii ay la faltameen.
Xisbiyada
Siyaasadda ee dalka Mareykanka waxay isla ogol yihiin isreeb-reebka in
musharaxiinta u loolamaya xilka ugu sareeya dalka loo qabto Talaadada tartanka
ugu dembeysa oo ay ugu yeeraan Talaadada weyn Super Tuesday isla markaana
doorashadu dhacdo Talaadada ugu horreysay bisha 11aad.
Dhamaan
Soomaalidu waxey isla ogolyihiin in aan la dagaalamin, la is dooxin, oo aan la
is dilin sababnka abaarta iyo Naq-raaca, lana hilmaamo qabiil u bururka isla
markaana la hirgaliyo sinnaan iyo xaqsoor loo simanyahay oo lagu wadaago
manfaca saarka iyo salooka la is kuugu yimid jiilaalka dardiis.
Tagistii
magaalo ee Soomaalida waxay meesha ka saratay hidde dhaqan soo jiraan ahaa,
dabcan Soomaalidu waligeed waxa ay isku dili jirtay waxa loo yaqaaan Todobada
Bilane Belo Huris ee kala ah: Gabdhaha, Geela, Gamaanka, Beeraha, Biyaha, Daaqa
iyo Qilaafka dariiqooyinka. Hayeeshee dagaal waliba oo dhaca waxaa lama dilaan
ahaa Todobada Biri Mageydo oo kala ah: Hogaamiye dhaqmeed, Culimo, Maato, Ergo,
magan, Socoto iyo Xidid.
Gacan-galintii
Xabashida ee Qalbi Dhagax : 27-kii Bishii Agoosto ee sanadkii dhamaaday
waxaa dalka ka dhacay wax lagu tilmaamay qaraw iyo qaracan, sawaxan bulsho iyo
xasilooni daro siyaasadeed, muwaadin magaciisa la yiraahdo, Cabdi kariin Shiikh
Musse {Qalbi Dakax } ayey dowladdu u gacan galisay xukuumadda Addis Ababa oo
aan aamisanahay god-ka-weyn oo Soomaaliya laga qaniino in uusan jirin.
Run-ahaanti
cid kasta oo ku lug laheyd dhiibistii walaal Qalbi Dhax waxa ay ku tunteen
dhaqankii Soo jireenka ahaa ee Soomaalida, sida aan kor kusoo sheegay
Todobada Biri Mageydo waxaa kamid ah: Maato, Ergo, magan, Socoto iyo
Xidid, Somaali weyn oo ah dad Xigaalo Xasabo Xidid iyo Xabiib wada ah, waa
dhaqan ku cusub in arintan oo kale ay ka dhex dhacdo. Haddii ay loo eego
dooddii xukoomadda iyo eedeyntii ay dusha kaga tureen Mr. Cabdi kariin waxaan
looga fal-celin karaa dhaqankii lagula dhaqmi jiray Ergo, magan, Socoto iyo
Xidid ayaad meesha ka saarteen.
Mushkiladda
mataanaha iyo margiyada jartay Soomaalida saldhig-yadeeda waxaa qeyb ka ah,
gabood-fallo diinta iyo culimada laga galay oo Rabbi uu cuqubadeeda soo dadajiyey.
Gafkii iyo gardaradii lagula kacay Qalbi Dhax, 48 cisho kadib 14-kii bishii
Oktoober magaaladii laga qafaalay ee Muqdisho waxa ay marti galisay mashaqo
moorada cagliga iyo maanka fiyowba diidanyihiin.
Reer
miyigu marka ay ka caagaan Sakada Saladda iyo Soonka oo uu sare maro salowga
iyo Sad-bursi u qooqu, dilka iyo dirirtuna ay daba dheeraato isla markaana ay
ku yaraato ku shugrinta nimcada uu rabbi ku maneystay waxa ay ku tookhan
Allow Balaayada soo higle naga hor joogso, Ku dheeraan mayo mucjisadii 14kii
Oktoober ka dhacday Isgowska Soobe laakiin waxaan si buuxda u amissanay
in mushkiladdaas ay salka ku heysay cuqabadii laga galay Qalbi Dhagax.
Qaraxyadii waaweynaa ee is xig-xigay oo xamar
ay marti galisay sanadkii koobaad ee Dowlada uu madaxweynaha ka yahay Mr Farmaajo, weerarkii Deegaanka Af-
Urur ee gobolka Bari, weerarkii Kulbiyow
ee gobalka Jubada Hoose, dhacdadii naxdinta iyo afariirka laheyd ee Bariire,
weerarkii Askarta badan lagu laayay ee Bariire, Gacan-galintii Xabashida ee
Qalbi Dakax, weerarkii Warsame iyo xabaal wadareedkii, duulaankii Qeybdiid,
raacdayntii Wasiirada, is casilaaddii Cirfiid, xilka qaadistii taliyaashii
ciidamada Booliska iyo Nabad Sugida, qilaafkii maamul goboleedyada, Dumintii
Hir-Shbeele iyo duulaankii Galmudg, Abaaro, maqaamka Muqdhisho, go’aanki
Bariga-dhexe + magac-bixita iyo marin-habaabinta waa mahadho aan waligeed ka
go’i doonin taariikhda Soomaalida, waxeyna u muuqdaan mowjado la dimin waayey
iyo fariimo hor- dhac u ah saddexda sano ee soo aadan. Allow namooti.
Dhacdooyinkan
dhowr xabo aan kasoo qaato, Abaaraha: sida lawada xasuusto sanadihii ugu
danbeeyey abaaruhu waxa ay ahaayeen aafo gayiga oo dhan gaartay,
indheer-garadyadu waxa ay ku doodaan in xaalufinta dhirta ay masuul
katahay soo noq-noqoshada abaarta roob la’aanta ka dhacday qeyba badan oo
ka mid ah Bariga iyo Koonfurta Afrika ayaa si weyn u saamaysay deegaannada
Soomaalida, sanadkii tagay wuxuu arintaas kala simanyahay sanadihii ka
horreeyey, tii oo ay jirto magacbixinta Adduun weynaha ee Graveyard of Foreign
Aid – qabrigii kaalmada shisheeye.
Go’aankii Bariga dhexe: Soomaalida waxaa lagu sheegaa in ay yihiin
dad aan aqoon durugsan u laheyn abla-ableynta arimaha Dibadda waxaana
tusaale loo soo qaataa sanadkii 1977-kii sidii loola dhaqmay Midowga Sofiyet,
iyo fashilkii Somaaliya ku dhacay 1963 aas aaskii Organisation of African
Unity kaas oo dhidibada loogu taagay Addis Ababa. Dhex dhexaadkii ay dowladdu
ka noqotay runtii wuxuu mushkilad siyaasadeed ku noqday dowladda, inta badan
maamul goboleedyada waxa ay ka dhan noqdeen go’aankaas iyaga oo si cad u
sheegay in dowladdu aysan iyaga la tashan. Mudane madaxweyne u tali tobanka
madaxweyne.dhex dhexaad nimadaas waxa ay sababtay in ciidamo Shisheeye ay
madaxda dalka ku baacsadaan gudaha caasimadda.
Weerarkii Warsame iyo Duulaankii Qeybdiid:
Sida
aan kor kusoo xusay manta waxaa madaxa iyo majaha isku dhagan raggii ra’yiga
mideysan lahaa ee guusha kasoo hooyey muxaafidkii ay la faltameen.
17-12-2017, Guriga Xisbiga Wadajir ayaa lagu ekeeyey weerar isagana la Xiray
laguna dilay ilaaladii Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah
hogaamiyaha Xisbi siyaasadeedka Wadajir. Deegaanka burburay iyo dhaqan
doorsoonka ka sakow, waa wax ku cusub Soomaalida falkii ay dowladdu kula kacday
Cabdiraxmaan.
Dabcan
Warsame waa muwaadin Somaaliyeed la xiri karo, la dacweyn karo, la eedeyn
karo si sharciya waa faqsan, hayeeshee aqriste qaladaadka aad ka
dharagsantahay ee saqdii dhexe 17-12-2017, ka dhacay gurigii xisbiga wadajir,
Xeer-ilaalintu waxa ay ugu yeertay mid xaq ah oo lagu qaaday qab-qable qaran
dumis ah, waxaana lagu eedeeyey in uu waddan shisheeye lacag kasoo qaatay.
Guuxa shacbku waxa ay ku suntay weerarkaas mid ku dhisnaa Hag-Hag, Hayaanad iyo
Hal- Necbeysi, sidaas oo kale waxaa loogu sii daray waxuu ahaa weerar Qabweyni
iyo Qabyaalad qaawan cuskan.
Marka laga soo tago hantida bur-burtay,
xabsiga la geysaty iyo handadaadda, waxaan la hilmaami Karin gabood-falkii
Xabaal wadareedka, waxaa la xasuustaa oo somaalidu wada taqaan dhacdadii
14-7-1989-kii ka dhacady xeebta Jaziira halkaas oo lagu xasuuqay dhalinyaro aan
hubeysneyn oo aan waxba galabsan tiradoodana lagu sheegay ku dhwaad 60 qof,
17-12-2017, mar kale waxaa la diiwaan galiyey dhacdo xanuunkeeda leh si
bahalnimo ayaa loo laayay dhalinyaro aan wax danbi ah laheyn bal kaba tirsan
xoogga dalka. Hogaamiyaha xisbiga wadajir oo ay ilaaladiisa ahaayeen waxa uu
sheegay in uu kawar helay in dhalinyarada la aasay igoo Mobeeladoodii ka
dhacaan jeebabkooda.
Haddii uu yahay qabqable qaran dumis ah
markii uu xilka hayey muxuu qaranka u dumin waayey? Maadaama uu isagu madax
ahaa, siyaasadda dhexdeeda ceeb kuma ahan in shaarka la’ska gubo Soomaaliduna
wey fahantay laakiin waxaa qalooc iyo qabweyni ah in la xasuuqo dad aan waxba
galabsan ee hadana la‘aaminsanyahay in aayado quraan ah la aqriyey, Guatama
Buddha iyo Guru Nanak mid waliba qumanihiisaa qoorta ugu jira.
Pro. Cabdi Ismaaciil Samatar oo ah shaqsi
Soomaalidu jeceshahay isla markaana goobjooge u ahaa doorshadii dacday bishaan
oo kale sanakii hore ayaa sheegay in madaxda haatan ay bixinayeen lacag badan
oo ajnabi ka timid markii ay soo galayeen doorashada su’aasha uu is weydiiyey Cabdi Ismaaciil ayaa
aheyd “markaa miyaa dad kale lagu dili
karaa wixii adigu aad sameysay in ay sameeyaan”?. haddii xaalku sidaas yahay
waxaa leeyahay hal xaaraan ah ma dhasho nirig xalaal ah.
Raggu
Saddex waa ka siman yahay: magaca, magta iyo maganka. Saddexse waa ku kala
tagsanyahay: wixii tagay tilmaamiteed; waxa taagan ka talinteed iyo timaatada
tawalinteed. Waxaan rumeysanahay in Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, uu yahay
shaqsi madaxda maanta ka mudan salaan sara joogsi leh iyo maamuus mag-dhow leh,
maadaama isaga iyo intii lamid ah la’aantood aysan joogeen halka ay maanta
joogaan.Ogoobey rag waxaa ugu liita Asaraar iyo abaal kadhac.
Dec
30, 2017-kii Sanoter Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ahna gudoomiyaha Gudiga
Dastuurka labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya, ayaa gurigiisa lugu qaaday
weerar isaga kadhan ahaa, inkastoo ay amaan balaaran mudan yihii madaxda
qaranku sida deg degta ah oo ay uga fal celiyeen hadana waxaa wali dowladda
laga sugayaa in ay meel saarto werarkaas qaawan. Warsame iyo Qeybdiid labaduba
si aan gabasho laheyn ayey hoosta ugu xariiqeen in la doonayey qaarijintooda.
Allow adaa ceeb ka hufan.
Eebow dil baa yimid, Dil wareersan baa yimid,
Dil aan dow lahaynoo, La-is wada dilaayoo, Dil dil dhaafay baa yimid, Kii Ku
Diley ha dilinoo, Kaan ku dilin dil baa timid, Adigoon wax dilinoon, meel la
isku dilaayiyo, dilba aan ka qeyb galin, kuwo shalay wax soo diley, dilka uu la
fududyahay, dil qabiil daraadiis, in laguu dilaa timid, Eebow dilkaan Jaan,
Dowlad looga reystiyo, deg-deg kuu Su’aalnee, ha noo diidin eebow - Abwaan
Maxamed Warsame Tabantaabo.
Maqaamka Muqdhisho: sanadkaan waxaa si weyn loo walwaalay
maqaamka gobolka Banaadir , sida lawada rumeysanyahay magac bixintaas waxaa
xilkii uu hayey ku waayey gudoomiyhii hore ee gobolka Taabid Cabdi, Muqdisho
waa caasmidda Soomaaliya laakiin maqaam iyo matalaadbey rabtaa. si lagu dooday
maqaamka Banaadir wuxuu hoos yaalaa Barlamaanka iyaga ayaana laga rajeynayaa in
ay xaqooda usoo dhicaan dadka dagen deegaanka daacadnimada iyo dulqaadaka,
wixii xamar ka dhacay hadday ka dhici laheeyeey gobol kale u maleymaayo in uu
xitaa sheegan lahaa isirka Afrikaanka.
Dhul-mareenkii
caanka ahaa ee Abuu batuuta ayaa buuggiisa Rixla ee la daabacay qarnigii 13aad
ku qoray qaayaha iyo qiimaha ay leedahay Muqdisho, si lamid ah Abuu Xasan Cali
Ibnu Saciid Al- Maqribi ayaa isna buuggiisa Kitaab Al-Joqoraafiya , Muqdisho
kaga hadlay wuxuuna ku tilmaamay Caasimaddi Islaamka. Waxaan leeyahay in
kabadan Saddex milyan oo aan laheyn wax xaquuq ah, Canshuurta ugu badan iyaga
laqaado, lagu dul shaqeeyo dhibaatadii ugu weyneedna ay iyaga ku dhacday sababkii
suluf colaadeedka iyo salowga qabiilka in qofkii u dooday soo dhicinta xaqaas
maqan geesa la galiyo lagana xayuubiyo xilkii uu hayey waa xishood la’aan iyo
iska daba-wreeg.
Madaxdii Xilalka laga qaaday: sida ay ku andacoodeen wasiiro
iyo masuuliyiin kale oo xilalkoodii waayey mid waliba xilka qaadistiisa wuxuu u
maqlay si aan habooneen mid ayaa yiri “Mareykanka ayaa la iiga soo sheegay”,
mid kale ayaa ku tookhay “baraha bulshada ayaan ka arkay” laakiin kii ugu
darnaa ayaa ku hadaaqay, “anigoo meyd aasaya ayaan maqlay”. Dhamaan
mas’uuliyiintaan xilalkooda waayey waxa ay hoosta ka xariiqeen in mid waliba uu
markaas gacanta kula jiray shaqo qaran oo muhiim ah, bal qaarkood ayaaba ku
dooday in markaas ay hayeen howl madaxda sare ay u dirtay mid waliba oo kamid
ahna waxa uu sii raaciyey waxaa la iga balan qaaday in aan Afarta sano wada
dhameysan doono. Aleylehe Xushmaddii loogu dhiibay loogama qaadin!
Qolyahaan
balanta looga baxay waxaan leeyahay: Nin ku siray wax kuu sheeg, Nin ku siiyey
kuu faan, Nin kuu sarbeebay kaa qari. Mucaaradka waxaan leeyahay : calafkaa
kuma seegee si xun haku doonin. Madaxda dalka ugu sarreysana waxaan oranayaa:
inta dhogortaadu dhantahaybaa la dhowrsadaa.
Nabad iyo Nolol:
waxaa
baryahaan hal qabsi iyo hal heys noqday erayga Nabab iyo Nolol kaas oo aad ku
arki karto meel kasta oo ay wax ku qoraan dad la sheegay in ay yihiin aan ku
dhahee dhuunta iiqoy, afka ii buuxi aan eed ku galee, waxaa iigu murug badneed
diibistii qalbi dhagax qof ayaa mid kamid ah barihiisa bulshada kusoo qoray “hal
qof ayaad sheegeysaan oo aad buun buuninysaan, war miyaadna arkeyn boqolaalka
xabsiyada laga soo deynayo 27 sano kadib, Nabad iyo Nolol”.
Walaalkaas iyo kuwa lahal maala oo ay
figraddas ku jirto waxaan leeyahay waa inoo farxad in dhalinyarada Soomaaliyeed ee ceegaagta xabsiyada dunida oo dhan in lasoo
daayo waliba qof kasta oo Somaali ahna uu ku noolaado Nabad iyo Nolol, laakiin
xaqdarro laga galay hal qof ma ogtahay in cuqubadiisa uu Alle dalka oo dhan u
halaagi karo. Dhiibistii qalbi dhagax Ciidii ka danbeysay oo caruuta Islaamka
oo dhan ay farxad ku ciideen bal qiyaas sida uu ahaa xaalka caruuta walaalkaas
lagu gardarooday. Eray bixintan haddii aan loo adeegsan wanaagga oo kaliya
waxaa loo karhi doonaa sida loo necebyahay ereyada Nazi iyo Facist. Halheyska
dowladda ay astaanta ka dhigatay wuxuu ku fiicnaan lahaa in – in kasta oo aan
doonista Aadmiga lawada hanan karin – ay haddana ilaa xad ka foojignaato
ficillada abuuri kara nin-tooxsi lagu tuhmo: ku takri-fal awoodeed iyo wixii
soo raaca. Magacu wuxuu muujinaya labada ugu muhiimsan oo aan maanta halhaleel
ugu baahannahay.
Gunaanad iyo talo bixin:
Sokeeye
is dilay seeddi iyo walaal dhibaatadii Soomaalida kala gaartay waxey u muuqataa
mid laga gudibi doono laakiin waxaa ka daran midda manta Aloosan taas oo ah
figraddii Melez Sanawi ee aheyd Somaaliya in loo qeybiyo Koofur &
Woqooyi kadibna Koofur loo sii qeybiyo shan maxmiyadood oo kala ah:
Puntland, Midland, Banadirland, Bayland & Jubbaland, runtii halkow la rabay
ayuu lahelay waana mashaqo Soomaalida kusoo hig tiri.
Dadku
wali kama rajo dhigin dowladda oo waxa ay dhowrayaan wax qabad muuqda siyaasad
hufan iyo fur-furnaan dheeraad ah in ay la’imaan doonto. Buugga Pastoral
Democracy ayaa lagu qeexay in Soomaalidu ay tahay bulsho ku dhaqanta wada
tashi iyo iyo dimuquraadiyad, Madaxweynaha iyo RW waxaan kula talinayaa in ay
ka hor tagaan sallowga qabiilka iyo sad-bursi doonka lagu talax tagay, isla
markaasna ay furdaamiyaan fidnada iyo xasaradaha colaadda, talada dalkana ka
qeyb galiyaan dadka waayo aragnimada siyaasadeed leh.
1960-dii,
dalka Hindiya waxaa laga hirgaliyey kacaankii cagaarnaa Green Revolotion, kaas
oo ahaa in la xoojo beerasha iyo wax soo saarka dhuka, wuxuuna noqday olole
lagu najaxay. Fadlan madaxdu dadka hagu hogaamiso ololahaas oo kale.
Soomaalida
waxa margiyada jaray waa saddex Arin arigtidetda 1 Qaad Sun leh, 2 Qabyaalad
qurun leh, iyo 3 Qoray rasaas leh, Saddexdaas xarafka Q wadaaga wixii dalkan ka qaban lahaa
waa idinka.waxaan ugu danbeyn leeyahay Nin xarman, nin xalman iyo nin xagan midna
lalama xaajoodo. Talye jiitaa, Tixdaa-wadaad iyo Tuqato haween iga tagbaa u
danbeysa.
Wabbilaahi
Towfiiq.
Abdiaziz
Aadan Urur
Qaraxyadii waaweynaa ee is xig-xigay oo xamar ay marti galisay sanadkii koobaad ee Dowlada uu madaxweynaha ka yahay Mr Farmaajo, weerarkii Deegaanka Af- Urur ee gobolka Bari, weerarkii Kulbiyow ee gobalka Jubada Hoose, dhacdadii naxdinta iyo afariirka laheyd ee Bariire, weerarkii Askarta badan lagu laayay ee Bariire, Gacan-galintii Xabashida ee Qalbi Dakax, weerarkii Warsame iyo xabaal wadareedkii, duulaankii Qeybdiid, raacdayntii Wasiirada, is casilaaddii Cirfiid, xilka qaadistii taliyaashii ciidamada Booliska iyo Nabad Sugida, qilaafkii maamul goboleedyada, Dumintii Hir-Shbeele iyo duulaankii Galmudg, Abaaro, maqaamka Muqdhisho, go’aanki Bariga-dhexe + magac-bixita iyo marin-habaabinta waa mahadho aan waligeed ka go’i doonin taariikhda Soomaalida, waxeyna u muuqdaan mowjado la dimin waayey iyo fariimo hor- dhac u ah saddexda sano ee soo aadan. Allow namooti.
ReplyDelete